Qaladkii Fellaini oo dhaawacay Valencia

Kooxda kubadda cagta ee Valencia ayaa waxa ay xalay guuldarro kala kullantay kooxda Juventus, balse guuldarradaas kama aysan reebi laheyn tartanka UEFA Champions League-ga haddii ay bareejo geli lahaayeen Manchester United iyo kooxda Young Boys.

Ciyaartii u dhaxeysay kooxaha Manchester United iyo Young Boys ayaa waxa ay kusoo idlaatay 1-0 oo ay Red Devils ku adkaatay.

Laacibka ka ciyaarra khadka dhexe ee Marouane Fellaini ayaa dhaliyay goolka guusha ee ay United ku dhaaftay YB, waxaana natiijadaas ay ka dhigtay in United ay usoo gudubto wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League-ga.

Sidoo kale isla natiijadaas oo lagu daray natiijadii kasoo baxday kullankii Juve ay 1-0 ku dharbaaxday Valencia, waxa ay sabab u noqdeen in kooxda reer Spain ay ka harto Champions Leaguue-ga.

Manchester United goolkeeda ayaa yimid xilli dambe oo ciyaartu ay ku idlaan rabtay 0-0, hase ahaatee, kubbad u muuqatay in markii hore ee uu gacanta ku taabtay Fellaini ayuu shabaqa dul dhigay.

Sidaas darteed, kubbad si qaldan gacanta kaga dhacday Fellaini ayaa waxa ay sabab u noqotay in kooxda Valencia laga cirib tiro tartanka Horyaallada qaaradda Europe.