Qalab diyaaradaha lagu hago oo qeyb ka mid ah dalka la keenay

Muqdisho-RisaalaFM- Danjire Jamaal Maxamed Xasan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in qeyb ka mid ah  qalabka lagu hago diyaaradaha laga keenay dalka Kenya.

Waxaana uu tilmaamay in qalabkaas lagu wareejin doono maamulka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale  Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay xusay  in qalabka uu ka keenay Kenya ay yihiin qeyb ka mid ah Isgaarsiinta  looga shaqeeyo hawada Soomaaliya ee yaalla Magaalada Nairobo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed  Xasan  ayaa qiray in tallaabadani  ay door weyn ka ciyaari  karto horumarka dalka, maadaama Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ay awood u yeelan doonto in caasimadda ay ka maamusho hawada dalka.

Waxaana la xaqiijiyay in maalinta Isniinta la qaban doono xaflad Safiirka Soomaaliya ee Kenya uu qalabkaasi ku wareejinaayo  madaxda Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.