Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo banaan bax dhigay “Sawiro”

Sweden-RisaalaFM- Banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Sweden  oo gef iyo meel ka dhac u geysatay umadda Soomaaliyeed  ayaa ka dhacay magaalada Orebero ee dalka Sweden.

Banaanbaxan ayaa ka dhacay banaanka hore ee aqalka uu ka socday shirweynaha xisgiba bidixda (V) oo ay haweyneydan ka tirsan tahay.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay uga xun tahay umada Soomaaliyeed falkii naceybka ahaa oo  ay ku kacday Xildhibaanadan.

Waxaana  xisbigeeda loogu baaqay in gabi ahaanba laga eryo lagana saaro liiska xildhibaanada Sweden maadaama fal  naceyb iyo cunsuriyad  ah ay qowmniyad dhan kula kacday.

Xildhibanadan oo lagu magacaabo Amineh Kakabaveh ayaa baraha buulshada ku faafisisay Video Been abuur ah oo qolo cunsuriyiin ah ay ka sameeyeen muuqaal hore oo tarjumad qaldan lagu sameeyey kaas oo lagu sheegay hadalo meel ka dhac ah.

Waxaana si weyn arinkan uga gilgishay guud ahaan Soomaalida ku nool Sweden taas oo markii dambe keentay in  xisbiga bidixda oo ay xildhibaanadan ka tirsan tahay ay  ku sameeyaan shaqo joojin mudo hal bil ah.
1 2

Jaaliyad

3-