Sida uu qoray wargeyska The independent ee dalka Britain ayaa qoray in guddi Qaramada Midoobey ka tirsan ay baarayaan suurtagalnimada in uu xiriir u dhexeeyo agaasimaha qaybta Africa ee shirkadda Soma Oil and Gas iyo ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Macluumaadka ku saabsan baaritaankani ayuu wargeyska sheegay in laga helay warqad si qarsoodi ah ay ku heleen diblomaasiyiin u dhashay dalka Norway.
Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga muxaafidka ee haya xukunka Britain.
Wargeyska The independent ayaa sidoo kale sheegaya in warqaddaasi oo lagu daabacay barta intarneedka ee BuzzFeed ay ka timid guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.
Shirkadda Soma Oil ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana ay sheegtay in agaasimaha shirkadda ee qaybta Afrika uusan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab iyo koox kale oo xag jir ah, warbixintaasina ay tahay mid aflagaado ah oo lagu waxyeeleynayo sumcadiisa.
Bishii July ee sandkii hore ayaa xafiiska baaritaanada culus ee qiyaanooyinka lacagaha ee Britain, ayaa sheegay in uu baarayo eedaymo musuqmaasuq oo ka dhan ah shirkad shidaal oo British ah oo ka shaqaysa Soomaaliya.
Shirkada ayaa sheegtay inay mar walba sharciga ku dhaqmaysay ayna la shaqayn doonto baarayaasha.


