Askari ka tirsanaa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM oo is dilay

Mid ka mid ah Ciidanka Militariga Kenya ee ka tirsan Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa is dilay, ka dib markii uu ku laabtay dalkaasi Kenya oo uu u dhashay.

Warbaahinta Kenya, ayaa waxay qortay in Joash Ochieng Magar uu la soo dersay xanuuno dhinaca dhimirka ah, taasi ayaana loo maleynayaa midda keentay inuu isku daldalo xaafadda Bukalama ee Magaalada Busia.

Ninkan oo 52 jir ah, ayaa wuxuu haystay ogolaansho uu kaga nasanaayay shaqada askarnimo, ka hor intii aanu Militariga Kenya shaqada ka fariisan toddobaadkan.

Taliska Ciidanka Difaaca Kenya, ayaa 12-kii bishan qoyska askarigaasi ku soo wargeliyay in shaqada laga fariisiyay, illaa iyo inta ay xaaladiisa caafimaad ka soo reynayso.

Qoyskiisu waxay sheegeen inuu ka soo laabtay dagaalka lagula jiro Al Shabaab, dibna uu u soo laabtay isagoo nabad-qaba, balse uu la soo laabtay cudurka dhimirka.

Booliska magaalada Busia, ayaa waxay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo waxa dhabta ah ee sababay geerida askariga ka tirsanaa Ciidanka Militariga Kenya.