DHAGEYSO: Maamulka Baraawe”xaalad aad u liidata ayaa ka jirta degmada

Gudoomiyaha degmada Baraawe ee maamulka gobolka Sh/Hoose Xuseen Maxamed Barre Jeex oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku dhibaateysan degmada Baraawe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hooyo iyo wiilkeeda ay u geeriyoodeen macluul daran oo soo wajahday iyo xaalad xumo oo dhanka noloshooda ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiyaha in xaalad aad u liidato ay ku nool yihiin shacabka ku nool degmada baraawe.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Baraawe ee maamulka gobolka Sh/Hoose Xuseen Maxamed Barre Jeex ayaa sheegay in deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe iyo kuwa ka ag dhaw ay ka jiraan xaalad nolo xumo islamarkaana dadka ku nool ay dhibaateysan yihiin.