DHAGEYSO: Xukuumada oo laga sugayo in ay la timaado siyaad cad oo amniga ku saabsan

Ka dib su’aalo weydiintii dhowan xubnaha baarlamaanka ee Ra’iisul wasaaraha, wasiirka amniga iyo qaar ka mid saraakiisha hay’adaha amaanka ee ku aadaneyd sugidda amaanka dalka ayaa goluhu waxa uu soo saaray qaraar cad oo ku aadan sugidda amaanka dalka Mahada Cabdalle Cawad gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka oo qaraarka ay soo saareen baarlamaanka warbaahinta u aqriyay ayaa sheegay in golaha xukuumada looga baahan yahay in ay joogteeyaan xuquuqda ay leeyihiin ciidanka qalabka sida ee ku howlan sugidda amaanka sidoo kalana dib u eegis lagu sameeyo ciidamada amaanka lacagaha ay xuquuqda u qaataan.

Hadaba qaraarkan ay soo saareen xubnaha golaha baarlamaanka dalka muxuu ka badali karaa xaalada dalka, niyada ciidanka sideesa loo arkaa xilligan Cumar Nuur Cali waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool muqdisho.

Qaraarka ay soo saareen golaha baarlamaanka waxaa sidoo kale qeyb ka ah in miisaaniyada dowladda lagu soo daro lacago loogu talagalay in lagu xoojiyo xuuraanka iyo waliba howlgallada ay wadaan ciidamada amniga sugaya.

Aqoonyaha Cumar Nuur Cali ayaa markale qaba qodobada qaraarka ay soo saaren xubnaha baarlamaanka in ay yihiin dhamaantood kuwa xilligooda la joogo wuxuuna sidoo kale in ay muhiim tahay in arintan si dhego furan ay kaga jawaabaan golaha xukuumada.

Arimahan oo dhan waxa ay ku soo aadayaan iyadoo xukuumada iyo waliba saraakiisha amniga ay aad u dardar galinayaan howlaha amniga lagu sugayo gaar ahaan magaalada muqdisho iyadoo sidoo kale xukuumadu ay si cad u sheegtay sugidda amniga muqdisho in lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.