Puntland oo maanta udabaal degeysa Markii la Aas aasay

Garoowe-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalooyinka waa weyne ee Puntland ka socota Munaasabado loogu dabaal degayo 1-da August oo ah markii la Aas aasay Maamulka Puntland.

Munaasabadahan loogu dabaa degayo 1-da August oo ah markii la Aas aasay Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Puntland iyo Marti sharaf kale.

Waxaa sidoo kale saakay aad loo adkeeyay amaanka deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan Munaasabadaha.

Saraakiisha ciidanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shalay ay bilaabeen in ciidamo ay geeyaan goobaha lagu wado in ay ka dhacaan Munaasabadaha, si looga hortago weeraro laga filan karo in ay ka yimaadaan Shabaab.