Puntland oo beenisay War kasoo baxay Soomaaliland

Soomaaliland ayaa shalay Magaalada taleex ee gobolka Sool waxaa ay kusoo bandhigtay 150 Askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Puntland oo dhankooda kusoo biiray,hayeeshee waxaa warkaasi beeniyey Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa sheegay in aan waxba ka jirin warka kasoo baxay Soomaaliland,isla markaana aysan jirin ciidamo ku biiray Soomaaliland.

Isaga oo la hadlayay mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Puntland ayuu sheegay in Ciidamada ay Soomaaliland soo bandhigtay ay yihiin Maleeshiyaad loo geliyey dharka Ciidanka balse aysan aheyn Ciidamo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in  Soomaaliland xilligan deegaanadeeda uu ka jiro jahwareer Siyaasadeed,isla markaana aysan awood u laheyn inay Ciidamo kala wareegaan Puntland.