Ozil: Joojiya hadalka ee taageera kooxda

Cayaar yahanka qadka dhexe uga dheela kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa difaacay doorkiisa kooxda wuxuuna ugu baaqay cayaar yahannadii hore ee kooxda ee mucaaraday inay joojiyaan hadalka oo ay taageeraan.

Ozil, oo 28 jir ah, iyo asxaabtiisa ay kooxda iskala tirsan yihiin ayaa cambaareyn la kulmay kaddib markii xilli-cayaareedkan aysan soo bandhigin cayaar wanaagsan.

Arsenal ayaa waxaa 4-0 kaga badiyay kooxda Liverpool cayaartoodii Premier League-gga ee ugu dambeysay.

Cayaar yahankan oo afar sano kahor Arsenal kaga soo biiray kooxda Real Madrid, ayaa sheegay inuu ku faanayo in kooxda uu guulo u soo hooyay intuu ka tirsanaa.

Wuxuu sheegay in faallooyin xun ay ka bixiyeen dad aan isaga aqoon u lahayn, iyo kuwo cayaar yahanno hore ah oo Arsenal u dheeli jiray.

Wuxuu xusay inuusan marnaba ka fileyn cayaar yahannadii hore ee kooxda inay sidaa u dhaqmaan, wuxuuna ku boorriyay inay hadalka joojiyaan oo ay taageero al yimaadaan.