Daminta dabkii ka kacay Suuq Bacaad oo lagu guuleystay

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Suuq Bacaad ayaa waxa ay sheegayaan in gaadiidka Gurmadka deg deg ah ee maamulka Gobolka Banaadir , ay guuleysteen in ay damiyaan  dabkii xoogganaa ee ka kacay Suuqaasi.

Dabka ayaa qabsaday qeybta dharka lagu iibiyo, ka dibna waxaa uu ku faafay qeybaha kale ee Suuqa  Sida Qeybaha kabaha iyo Sarifka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa guuleystay daminta dabkaasi oo sababay Khasaare hantiyadeed.

ilaa iyo hadda lama ogga waxyaabaha Sababay dabka .