Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Malaaq Xasan Buulle oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Dayax Arbacadii ina dhaaftay.
Malaaqa ayaa waxa uu kamid ahaa dadkii dhaawacyada culus uu ka soo gaaray weerarkaasi, waxaana dhaawaciisa lagu dabiibayay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Malaaq Xasan Buulle waxaa geeridiisa Risaala uxaqiijiyay masuulyiinta Maamulka Koofur Galbeed, waxa ay sheegeen in Malaaqa mudooyinkanba laga deyrinayay xaaladihiisa caafimaad oo dhaawac culus uu ka soo gaaray weerarka.
Waxa uu ku sugnaa gudaha Hoteelka markii la weeraray wuxuuna kamid ahaa dadkii wax ku noqday Qarixii 1aad ee Shabaab ku weerareen Hoteelka ka hor inta aysan isku dayin iney gudaha ugalaan.
Nabadoonka ayaa kamid ahaa Odayaasha 135ta ee soo xushay Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.


