DEG DEG: Qarax ka dhacay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo gaar ahaan Qeybta Kenya ay ka wado dhisida Darbiga ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lagu Aasay halka ay ka socoto howsha ku aadan dhisida Darbiga xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Qof Goobjooge ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Qaraxan in uu dhacay xilli Ciiidamada Kenya iyo Dad shacab ah ay ku sugnaayeen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana jira khasaare jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa lala eegtay Ciidanka Kenya ee ka dhacay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.