Muwaadin u dhashay UK oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla Muqdisho

Maxkamadda Gobalka Banaadir¬† ayaa maanta lasoo taagay Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska,kaas oo ay¬† gacanta ku dhigeen Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya 6/7/2019.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa kusoo eedeeyay Andrew Braian Irlam in uu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in uusan ku wargelin laamaha amniga oo xirnaa Jaakada aan xabada karin sidoo kalena uu watay 7 qasnadood oo ay ku jireen rasaasta Bistooladaha.

Andrew Braian Irlam ayaa maanta kasoo hor Muuqday Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana la dhageystay eeda loo heysto eedeysanaha, iyadoo wali Maxkamadda aysan ku dhawaaqin xukunka lagu riday.

Ninkaan aysan suurtagalin Maxkamad lasoo taaggo dhowr jeer, waxaana la sheegay in Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku wadeen Baaritaano kala duwan.