Muran ka dhashay Mas’uul uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug Gudoomiyaha degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud Jaamac Xayle Maxamed ayaa diiday xilka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Gudoomiyaha degmada Balanbal ayaa Risaala u sheegay in Madaxweyne ku xigeenka uusan si sharci ah u marin xilka qaadistiisa.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Jaamac Xayle Madaxweyne ku xigeenka uu warqad kasoo qoray Magaalada Muqdisho in ay soo gaartay laguna sheegay in xilka looga qaaday.

Gudoomiyaha ayaa xusay in heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay gaareen ay arintaasi kasoo horjeedo ayna tahay Sharci daro.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaa howlaha maamulka Galmudug, waxaana uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.