Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabad Qalin jebin ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa loogu qabtay Ardayda sanad Dugsiyeedka 2016-2017 ka qalin jebisay Iskuulka Al-cimra Primary and Secondary School.
Xafladan oo aheyd mid si heersaro ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka iskuulka, Macalimiin, Masuuliyiin ka socotay Hay’adaha waxbarasho ee dalka, Waalidiin, Aqoonyahano, qaar ka tirsan Jaamacadaha dalka, shirkadaha Ganacsi, Arday iyo marti sharaf kale.
Ardayda Munaasabad loogu qabtay xarunta dhexe ee iskuulka uu ku leeyahay degmada Hodan wadada Taleex ayaa waxa ay ka soo qalin jabiyeen xarunta iskuulka uu ku leeyahay Warta-nabadda iyo mida maanta xaflada lagu qabanayay oo ku taalla degmada Hodan, iyadaoo iskuulka uu xarumo kale ku leeyahay magaalada.
Ardayda Munaasabadda qalin jebinta ah loo sameeyay ayaa tiradooda waxa ay kor u dhaafeysa 250 Arday, kuwaasi oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, waana Dufcaddii 19-aad ee ka qalin jebisa iskuulka.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay qaar ka tirsan waalidiinta Ardaydooda maanta ka qalin jebinaysay iskuulka Al-cimra Primary and Secondary School, waxayna maamulka iyo macalimiintaba ku amaaneen qaabka wanaagsan ee ay wax u baraan Ardayda.
Agaasimaha Guud ee Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Al-cimra Ustaad C/laahi Cali Axmed (Koyto) ayaa sheegay Ardayda maanta qalin jebisay in ay u soo dhabar adeegeen waxbarashadooda, wuxuuna ku dhiirageliyay in aysan halkan ku hakan, ayna sii wataan waxbarashada qeybaheeda kale.
Dhanka kale Maamulaha guud ee iskuulka Al-cimra Primary and Secondary School Ustaad C/raxmaan Cumar Maxamed (Ilkacase) ayaa Hambalyo u diray Ardayda maanta ka qalin jebisay iskuulka, wuxuu sidoo kale waalidiinta Ardaydooda la jecel waxbarashada iskuulka ee Hoose Dhexe iyo Sare ugu baaqay in ay ku soo biiriyaan ubadkooda iskuulka Al-cimra, oo si aad ah sanadkan u tayeeyay waxbarashada iyo qalabkii lagu baran lahaa.
Gaba gabadii Munaasabadda ayaa waxaa halkaasi shahadooyinkooda lagu gudoonsiiyay Ardayda maanta ka qalin jebisay Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Al-cimra, kuwaasi oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta heerkan ay soo gaaraan.



