Baarlamaanka oo ka hadlay dagaallada dalka ka socda

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi ayaa ka hadlay dagaalada ka socda gobolada Dalka ee u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya loogu baahan yahay in ay kaalintoodda ka qaataan isla markaana ay u istaagaan sidii dagaallada loo joojin lahaa.

Waxa uu sidoo kale beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dagaalada joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida degaanada ay ku nool yihiin.

Degaano ka tirsan Gobolada Waqooyi, Galgaduud, Hiiraan, Sh/Dhexe iyo degaano kale ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka soconaayay dagaal beeleedyo khasaaro badan ka dhashay