Mooto Bajaajle lagu toogtay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ku toogtay  wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa isla goobta ku geeriyooday Sidda Idaacadda Risaala ee Muqdisho ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka oo goobta ku sugnaa.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.

Dilkaan wiilkaan dhalinyaro ah ayaa imaaneysa xilli maanta ay xiran yihiin qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka.