Ciidankii howlgalka ka waday Hoteelka Dusit ee Magaalada Nairobi ayaa ku dhawaaqay in howlgalka lasoo Afjaray ka dib in ka badan 20 Saacadood oo dagaal culus uu ka socday Gudaha Hoteelka.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in 14 qof ay ku dhinteen weerarka.
Wuxuu sheegay madaxweynaha in la dilay dhammaan Kooxdii weerarka soo qaaday oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Kenya ayaa amaanay sida degdeg ah ay laamaha ammaanka Kenya uga falceliyeen weerarka.



