Midowga Afrika oo War kasoo saaray weerarka Nairobi

Ururka Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray weerarka wali ka socda Magaalada Nairobi ee ay qaadeen Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Nairobi.

Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, wuxuu amaaan u jeediyay sida degdeg ah ay ciidamada Kenya uga falcelinayaan weerarka.