Brazil ayaa gashay xaalad siyaasadeed, kadib markii Madaxweynaha dalkaas Haweeneyda lagu magacaabo Dilma Rouseff ku soo baxday fadeexad, kadib markii ay ka been sheegtay dhaqaalaha dalkaas.
Guddi ka tirsan aqalka Congress-ka Brazil ayaa mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ka gudbiyay, iyadoo lagu wado in Baarlamaanka uu maalmaha soo socda u qaadi doono cod kalsooni kala laabasho ah.
Qaar ka mid ah Guddiga Congress-ka ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Madaxweyne Rouseff, waxaana kulan uu yeeshay Baarlamaanka hareeyay buuq fara badan.
Madaxweynaha Brazil ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajaheysay mucaarado, kadib markii Madaxweynihii hore ee dalkaas Lula da Silva ay u magacawday xilka Madaxa shaqaalaha.
Kumanaan ruux ayaa ka dibad baxay tallaabadaas, waxaana ka soo horjeestay kooxaha mucaaradka oo u arkayay magacaabidaas mid looga hor-istaagayo dacwada musuq maasuq ee ku soo baxday madaxweynihii hore ee Brazil.


