Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu bogaadinayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya, sidoo kalana uu maanta la qaybsanayo farxada.
Sidoo kale wasiirka kowaad Xukumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa asna dhankiisa hambalyo qaali ah u diray ciidanka xooga dalka kuwaasi oo u taagan difaaca dalka.
dhanka kale R/wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hambalyo u diray ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal dagaya sanadguuradoodii 56-aad.
Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo la aas aasay sanadku markuu ahaa 1960-kii ayaa haatan waxay jirsadeen 56-sano waxaana ciidanka xooga ay so mareen marxalado kala duwan.


