Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa badbaadiyeen 1,850 oo muhaajiriin kuwaasoo la sheegay in marayaan xeebaha dalka talyaaniga.
Muhaajiriinta ayaa la sheegay in ay ku safraayeen doonyo ka sameynsay buufin kuwasoo la sheegay in ay marayeen meel ka baxsan xeebaha dalka talyaaniga.
Taaribayaasha gacanta u taagay markab laga leeyahay midowga yurub laakiin waxaa la sheegay in uusan u imaan cabsi uu ka qabay bada oo kacsaneyd iyo muhaariinta oo aad u farabadnaa .
Koox u dhalatay dalka talyaaniga oo bada ka jilaabanayay ayaa arkay waxayna ku wargaliyeen ilaahada xeebaha dowlada talyaaniga ,waxaana mid ka mid ah doonaya soo badbaadiyey ilalada xeebaha dowlad talyaaniga halka midka kala la sheegay in uu soo badbaadiyey markab ay u shaqeeya midowga yurub.
Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda talyaaniga ayaa warbaahinta u sheegay taaribaayasha ay soo badbaadiyeen 155 ka mid ah ay Afrikan yihiin.
Saraakiisha Hay’adda Qaxootiga UNHCR ayaa la sheegay in dadka la gaareen cunto iyo dhar ay dhaxanka iska celiyaan.
Ciidamada ilaalada bada dowlada talyaaniga iyo midowga yurub ayaa walaac ka muujiyey tirada iyo qulqulka muhaajiriinta.


