Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay isaga xog wareysteen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha cakiran ee dalka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa horay ula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo shaqaaqooyinkii dhacay.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo ku sugan Muqdisho ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.