Mareykanka oo Cambaareeyay Qaraxyadii lagu weeraray xarunta CID

Mareykan-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaaraysay Qaraxyadii  iyo weerarkii maanta lagu qaaday xarunta dembi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Marie Harf, oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay in Al-shabaab aysan dooneynin nabada iyo xasiloonida laga dareemayo dalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay in ay si adag u cambaareynayaan weerarkii maanta lagu qaaday xarunta dambi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ku xigeenka afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mareykanka, ayaa sheegtay in dadaalada ay ku bixinayaan taageerada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan marnaba joogsan doonin.

Waxay tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta dambi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Tirada guud dadka ku dhintay qaraxyada ayaa gaaraya 13 ruux oo todobo ka mid ah yihiin Raggii Shabaabka ka tirsanaa, maadaama labo ay isqarxisay, halka Shanta kalena la toogtay, sidoo kale lixda ruux ee kale ayaa kala ahaa hal Askari iyo Shan ruux oo shacab ah.