Mareykanka oo cadeeyey mowqifkiisa Heshiiska Dowladda & Ahlusunna

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay Maanta wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). oo isku khilaafsanaa Arrimaha dhismaha Galmudug.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Amb, Donald Y. Yamamoto ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab ayuu yiri” Donald Y. Yamamoto.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay aqoonsan yihiin dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka,isla markaana ay dhiirigelinayaan hirgelinta heshiiska.

Geba-gabadii waxaa uu sheegay in Galmudug uu yahay gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya,sidoo kalena Safaaradda Mareykanka ayka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.