Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Lloyd Austin ayaa ku dhawaaqay inay Gantaalladda Nidaamka Difaaca Hawada ee Terminal High Altitude Area Defense ee THAAD iyo kuwa Patriot oo dheeraad ah u soo diri doonaan Mandiqada Bariga Dhexe, sababo la xiriirta Dagaalka XAMAAS iyo Israel.
Qoraal uu Xoghaye Austin soo saaray ayuu ku sheegay inuu qaatay Tallaabooyinka dheeraadka ee lagu xoojinayo Awoodda Milliteri ee Ciiddankoooda jooga Bariga Dhexe iyo in la kordhiyo Badbaadada Ciiddankooda in Taageero la siiyo Difaaca Israel.
Waxa uu xusay inuu Go’aankaasi qaatay, kadib markii uu Madaxweyne Joe Biden kala xaajooday Galaangalka iyo Khataraha Iran iyo Xulafadooda ku yeelan karaan Dagaalka u dhexeeya Dagaalamayaasha XAMAAS iyo Milliteriga Israel.
Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin waxa uu hoosta ka xariiqay in Marakabka Dagaalka ee The USS Dwight D. Eisenhower Carrier Strike Group loo diri doono Deegaanada uu Taliska Dhexe ee Maraykanka mas’uul ka yihiin, halka Ciiddamo dheeraad sugaya Amarka loogu daabuli lahaa Mandiqada Bariga Dhexe.



