Faah faahin: Macalin Dugsi Qur’aan iyo Ardaydiisa oo aano qabiil loo dilay & xiisad ka dhalatay

Xiisado dagaal ayaa ka taagan degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degaano hoostaga degmada Cadalle, halkaas oo lagu dilay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Afar kamid ah Ardaydiisa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa dilay 5 ruux oo uu kamid yahay Macalinka Dugsi Quraan oo lagu magacaabi jiray Macalin Muqtaar Macalin Maxamud Yuusuf, Nin ay deris ahaayeen iyo Saddex kamid ah Ardaydiisa, xilli ay marayeen agagaarka degaanka Xaaji Cali.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay salka ku heyso arrimo la xiriira aanooyin qabiil, iyada oo maleeshiyaadkii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Alle ha u naxariistee Macalin Muqtaar Macalin Maxamud Yuusuf iyo Ardaydiisa ayaa xilliga la dilayay waxaa la sheegay inay ka yimaadeen Qur;aan akhris ah, waxaana falkaasi xalay ilaa saaka looga hadal hayaa degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya tuulada Xaaji Cali ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay saaka halkaasi ka taagan tahay, iyada oo dadkii la dilay la filayo in la Aaso.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in dilalka aanooyinka qabiilka ay kusoo laab laabteen degaannada hoostaga degmada Cadalle, isla markaana dhowr jeer ay xal ka gaareen dagaalladaas, balse ay noqdeen kuwo soo laab laabtay.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalo toos ah iyo dilal aanooyin qabiil ah ay ka dhacayeen degaannada hoostaga degmada Cadalle ee gobolka mShabeellaha dhexe, waxaana shirar dhowr ah oo ka dhacay degaanka burka-dirimeed lagu gaaray dib u heshiisiinta labada beelood balse ay colaada sib u soo cusboonaatay.