Vincent Kompany ayaa ka maqnaan doona kulanka Champions League Manchester City ay soo dhaweyneyso Paris Saint-Germain habeenka Talaadada.
30-sano jirkaan ayaa dhaawac ku maqnaa tan iyo markii City ay barbaro goolal la’aan ah la gashay Dynamo Kyiv March 15 ,waqtigaasoo jeex kubka ah uu gaaray.
“Vincent Kompany ma ahan taam 100% mana ahan suurta gal inuu ciyaaro” ayuu yiri Manuel Pellegrini.
Nicolas Otamendi waxaa soo gaaray dhaawac canqowga ah kulankii sabtida ay 2-1 kaga badiyeen West Brom, laakiin Manuel Pellegrini ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Argentina uu wajahayo kooxda heysata horyaalka Faransiiska.
Sidoo kale waxaa u ah City David Silva, kaasoo dhaawac canqowga ah kasoo kabsaday.
City Etihad Stadium kusoo dhaweynaya PSG oo 2-2 ay lasoo galeen todobaadkii hore.


