Manchester United ayaa ku guuldareysatay dalab amaah ah oo ay ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Inter Milan Matias Vecino.
labada kooxood ayaa dhowr jeer oo hore heshiisyo u gaaray laakiin kooxda Talyaaniga ayaa go’aan adag ka qaatay xiddiga reer Uruguay.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa si weyn u doonaya xiddig khadka dhexe oo cusub madaama ay dhaawacyo ku maqan yihiin Paul Pogba iyo Scott McTominay.
Waxayna u muuqataa in doonistooda xiddiga Sporting CP ee Bruno Fernandes inaan weli guul laga gaarin.
Waxay keentay inay u dhaqaaqaan xiddiga khadka dhexe ee Inter Milan 28 sanno jirka Vecino laakiin Sky Sport Italia ayaa sheegeysa in Inter ay soo diiday dalabkoodii amaahda ahaa.
Dalab ka qiimo sareeya markii hore ayaa la filayaa inay Man United ku celiso kooxda Talyaaniga.



