Magaalooyinka ka mid ah dalka oo looga dhawaaqay u gurmashada Beledweyne

Qaar ka mid ah Magaalooyinka Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay qorshaha u gurmashadda Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Fatahaado ay ku dhufteen.

Gudoomiyaha Degmada Cadaado Abdullahi Abdirahman (Tootoole) ayaa ku dhawaaqey Gurmad deg-deg ah oo bulshada Cadaado ay u sameeyaan Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Magaalada Beledweyne.

Magaalooyin ka mid ah maamulka Puntland Sidda Magaalada Garowe ayaa waxaa ka bilowday qorshe dhaqaalle looga aruurinaayo Shacabka dhibaatada ay soo wajahday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale Ganacsatadda iyo dhalinyaradda ay waddaan abaabul ay ku caawinayaan Shacabka Beledweyne.

Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa haatan ah mid aan wanaagsaneyn,waxaana jiray dadaalo ay wadaan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle oo ku aadan in dadka ay waxyeelen fatahaadaha loo gurmado.