Lucy Kibaki oo ahayd marwadii madaxwaynihii hore ee Kenya ayaa ku geeriyootay Isbitaal ku yaala magaalada London, lama shaacinin xanuunka hayay.
Waxyaabahaas waxaa ka mid ah markii ay dhirbaaxday nin kaameerayste ah sanadkii 2005 markaas oo ay gashay xafiisyada warbaahin gaar loo leeyahay iyada oo ka caraysan sida loo tabiyay sheeko iyada ku saabsanayd.
Tacsi ay direen Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ninkeeda Kibaki oo ahaa madaxwaynihii hore ayaa ku ammaanay doorkii ay kulahayd dagaalka ay Kenya kula jirto caabuqa HIV iyo xanuunka uu keeno ee Aids-ka.
Madaxwayne Kenyatta ayaa xilka kala wareegay ninkeeda oo soo talinayay 2002 ilaa 2013-kii.
Meel fagaare ah oo lagu arko waxaa u dambaysay xaflad ay ka qaybgashay 2010-kii, iyada oo markaas u muuqatay in ay aad oola dhacsantahay dastuurka cusub ee Kenya, sida uu ku waramayo wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa.