Kooxda Daacish “Saldhigyo ayaan Soomaali ku leenahay”+Sawiro

Kooxda Daacish ayaa Filim Muuqaal ah iyo Sawiro oo ay soo dhigeen Baraha Internet-ka waxa ay ku soo bandhigeen meel Saldhigyo ah oo ay ku qaadanayaan Tababaro dagaal.

Sawirada ay Daacish soo bandhigtay ayaa waxaa ka muuqda ciidan ay ku tababarayaan saldhigyada ay sheegeen in ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Waxaana ay xiran yihiin ciidankooda Khamiisyo cad cad iyo kuwo kale oo midibo kal duwan leh.

Shalay ayay aheyd markii Kooxda Daacish ay sheegeen in qarax ay la beegsadeen kolonyo ka mid ah baabuurta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo marayay duleedka magaalada Muqdisho.

Dhanka kalena Afhayeen uhadlay ciidanka AMISOM ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan qaraxyada laakiin ciidankooda wax khasaare aanu ka soo gaarin.

1 2 3 4