Riek Machar oo gaaray dalka South Sudan

Hogaamiyaha mucaaradka ee South Sudan, Riek Machar, ayaa dalkiisa kusoo laabtay si uu ula wareego jagada madaxweyne ku xigeenimada oo uu horay u soo ahaa.

Imaatinkiisan waxaa ka horaysay in uu dhawr jeer oo hore baaq, lana sugayay todobaadyadii u dambeeyay

Tani ayaa ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhaqangelin karo heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Khilaafka u dhexeeya Mr Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii December ee 2013 uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.