Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaysa ka jeediyey qasriga Madaxtooyadda ayaa ugu horayn ugu hambalyeey munaasabada Ciidul Fidriga Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Islaamka.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka Dowladdu ku qaaday Alshabaab runtii waxa aan la galnay Dagaal adag waanan ka guulaysanay,hadda awoodoodii waxay isugu soo ururtay gaadmo daciif ah mana geli karaan dagaal toos ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in geeddiga lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed oo awood leh uu yahay mid socda ka Madaxweyne ahaan na uu rabo inuu raad dowladnimo oo awood leh uga tago Shacabka Soomaaliyeed” wax aan rabaa in aan dalkayga iyo dadkayga uga tago dhaxal Dowlad awood leh oo ay ku najaxaan” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyey in maanta Dowladdu haysato Ciidan ku filan difaaca dalka oo leh tababbar iyo qalab casri ah cadayntiisuna tahay sida Ciidanku Guullo deg deg ah uga keenay furimaha dagaalka.



