Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa Goordhow u ambabaxay magaalada Xudur si uu usoo indho indheeyo xaaladda banii’aadanimo ee ka jirto halkaas.
“Degmada Xudur 18-ka degmo oo Koonfur galbeed, waa degmadii aan ugu tegista iyo shaqada badneyd haddana waxaan u soconaa daruufahan cusub oo kusoo kordhay oo muddadan aan ka shaqeyneynay oo ah xiritaanka jidkii ay badeecadaha usoo marayeen ay culus kale soo saareen Al Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen oo BBC-da u warramayay.
Wuxuu intaas ku daray in shacabka ku nool ay la daalaa dhacaayan dhibaatooyin dhanka nolosha maadama ay xiran yihiin waddooyinka gala halkaas taasina ay horseeday in uu xirmo ganacsiga.
“Xudur waxaa ku cusub dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo ka xirmay ..waa arrimo Shabaabka ay ku cunaqabateynayaan umadda degmada Xudur”
Magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxaa lagu soo warramayaa in maciishadu ay cirka isku shareertay, isla markaana laga cabsi qabo xaalad cunto yari ah sida ay BBC-da u sheegtay hay’adda Action against hunger oo deegaankaasi ka hawlgasha.
Magaalada ayaa ku jirtay go’doomin ay ku hayeen Al Shabaab iyadoo dadka deegaanku ka bannaanbaxeen dhibaatadooyinkaas.