Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula leh qaar ka mid ah Waxgaradka Magaalada Cadaado oo tabasho ka ah ee maamulka Galmudug.
Madaxweynaha iyo sidoo kale Waxgaradka ayaa lagu waddaa in ay kala saxiixdaan qodobo dhowr ah oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa Magaalada Cadaado.
Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Heshiiska ay ka wada gaareen maamulka Galmudug iyo sidoo kale Ahlusunna.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u gudbi doona Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, isagoona dhagax dhigi doona dekedda Hobyo.



