Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Baroordiiq Qaran

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zobe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”ayuu yiri Farmaajo

Wali si rasmi ah looma ogga tirada ku dhimatay ama ku dhaawacantay,laakiin ilaha Caafimaadka waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 40 qof ay dhinteen.

Mid ka mid ah ah xildhibaannada Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in in kabadan 100 qof oo rayid u badan ay qaraxaasi ku dhinteen, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Muqdisho Isbitaallada ku yaalla waxaa buux-dhaafiyay dhaawcyo badan oo la gaarsiiyay, waxayna saraakiisha caafimaadku ay dadka ka dalbadeen inay dhiig ku yaboohaan.