Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Cadaado

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa goor dhow Gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo Madaxda maamulka goboleedyada.

Ujeedka uu u tagay  Magaalada Cadaado ayaa waxa u yahay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishan, waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada shacabka degan Gobolada Dhexe.