DHAGEYSO WAREYSI: Ciidamada dowladda oo howlgal kusoo qabtay 9 ruux

Ciidamada  Dowlada Federaalka Soomaaliya   ayaa Saakay Hawgal  ka  Sameeyay duleedka Magaalada  jalalaqsi  ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Maxamed Cabdulle Fiidow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayay Ammaanka degaanada hoos yimaada Jalalaqsi.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu Soo qab qabtay sagaal ruux oo hadda baritaanno ku  saabsan waxa ay ahaayeen ku hayaan Ciidamada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano hoos yimaada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.