Madaxweyne Dani“Waxaan balanqaadaynaa inaan si adag uga hortagno cadawga”

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay degmada Carmo ayaa waxaa magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar kamid ah Goleyaasha dowladda Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka magaalada Boosaaso. Madxaweynaha ayaa meel fagaaro ah kula-hadlay shacabkii soo dhoweeyey, isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga gobolka, iskana kaashadaan sidii Boosaaso amnigeeda, horumarkeeda, bilicdeeda iyo wadajirkeedu taam u noqonlahaa.

“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweynta balaadhan ee ay noo sameeyeen aniga iyo weftigayga maamulka gobolka, kan degmada iyo shacabka reer Boosaaso, runtii waxaa waxlaga xumaado ah in dad cadaystey dadkeena biri-magaydada ah inay horteena ku qashaan oo uu ugu danbeeyey Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo runtii ahaa Suldaan Qiime weyn ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed meel kastay joogaanba oo ka qayb qaadan jirey nabadda, ciddii falkaas geysatey iyo kuwii ka horeeyeyba ee lagu diley maareeyihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O iyo inta la mid ka ah ee ka shaqaynaayey horumarka wadankan, dadkii falay saasi ula jeedadoodu waxay ahayd nolosha Puntland inay gooyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan balanqaadaynaa inaan si adag uga hortegayno dadka doonayo inay dadkeena dhibaateeyaan ee nolosheena wax u dhibaya, waxaan rajaynayaa Boosaaso iyo guud ahaan Puntland inay kusoo noqoto nabaddii lagu naaloonjirey ee caanka ku ahayd, oo burburkii hoyga u noqotay ummad Soomaaliyeed oo tiro badan, waxaan gacan furan kusoo dhoweynaynaa cid kasta oo danaynaysa inay ku noolaadaan Puntland kuna siyaadinaysa horumar” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.