Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilka ka qaaday wasiiro dhowr ah ka dib markii lagu eedeeyay in ay sameeyeen falal la xariira Musuq maasuq.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Dhawaan lagu oogay dacwad ah in ay lunsadeen Hanti dadweyne.
Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in baaris lagu bilaabay Mas’uuliyaddaan ka dib markii maanta laga qaaday Xasaanadda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay in degaanada maamulka Somaliland gacanta lagu dhigo cidwalba oo ku kacda fal Musuq maasuq ah.



