Madaxda Maaliyadda ee uu hormuudka u yaahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi Puntland ayaa hortay Golaha Baarlamaanka Puntland.
Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Golaha usheegay in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ay diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan su’aalaha Barlamanka.
hor imaanshaha Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golaha Baarlamaanka ayaa ku aadanayd kadib markii Golahu soo akhriyay Miisaaniyada sagaal bood 2019
Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda wax ka waydiiyay Miisaaniyada ay horkeeneen iyo meelaha jawaab ta ubaahan
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland iyo madaxda Wasaaradda ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay waydiimihii Golaha Baarlamaanka Puntland.
kulan saacado qaatay kadib Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay fasaxayaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda kulan gaarana ay gali doonaan.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi Miisaaniyada ay horkeeneen Golaha Baarlamaanka ayaan wali la ansixin balse lafilaayo in ay and sixin doonaan Golaha Baarlamaanka Puntland.



