Madaxweynaha dalka South Africa Jacob Zuma ayaa beeniyay in uu wax guri ah ku leeyahay United Arab Emirates, ka dib markii warbaahinta dalkaasi ay qortay in qoyskiisa uu u iibiyay guri qaali ah.
Wargeyska Sunday Times oo soo xiganaayay ilo madaxbanaan ayaa sheegay in qoyska Gupta ay ka iibiyeen guri Zuma kaasi oo ay ugu iibiyeen lacag dhan 330 Million rand ($25 Million) kaasi oo ku yaala magaalada Dubai.
Balse war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Zuma ayaa lagu beeniyay hadalkaa waxa uuna u qornaa warka ka soo baxay sida tan “Madaxweyne Zuma wax hanti ah kuma laha meel ka baxsan South Africa mana jirto cid uu ka codsaday in uu guriga ka iibsado warkaasina waa war been abuur ah.”
Dhanka kale qoyska la sheegay in uu ka iibsaday guriga Madaxweynaha oo ah ganacsato u dhalatay dalka India ah ayaa iyagana dhankooda waxa ay beeniyeen in ay wax guri ah ay ka iibiyeen Zuma, iyagoona wararkaasi ku sheegay kuwa aan jirin.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli dhawaantaan Email-o la soo xaday lagu sheegay in Madaxweyne Jocob Zuma uu guri ka iibsaday magalaada Dubai ee U A E.
W/D:- C/laahi Cali Maxamed



