DAAWO SAWIRRADA: Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Caabudwaaq

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo muddooyinkii ay ka taagnaayeen xiisado dagaal.

Axmed Ducaalle Geelle oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carabey ayaa la sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Caabudwaaq.

Odayaasha Dhaqanka Degmada Caabudwaaq ayuu hadda kulan la leeyahay Madaxweynaha Galmudug, wuxuuna kala hadlayaa arimaha ku aadan xiisadaha ka taagan Magaaladaasi.

Caabudwaaq ayaa waxaa ka dhaca dilal ku saleysan aanooyinka qabiilka ah oo si aad ah ugu badan Magaalada, Odayaashana ay wax ka qaban waayeen.

Axmed Ducaalle Geelle ayaa isku dayaya inuu ku qanciyo Odayaasha kaabo qabiilada ah ee ku sugan Degmada Caabudwaaq inay ka shaqeeyaan nabadda kana hortagaan falalka dilalka aanooyinka qabiilka ah.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug uu ku tago Degmada Caabudwaaq, tan iyo markii xilkaasi loo caleemo saaray.

xaaf-cw4 xaaf-cw5 xaaf-cw-7 xaaf-cw8 xaaf-cw2 xaaf-cw3