DHAGEYSO: Somaliland” Khatar Amni kama jirto degaanadeena”

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Xaalad amni xumo aysan ka jirin degaanada Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in degaanada Somaliland aysan la mid ahayn degaanada kale ee Soomaaliya isla markaana ay yihiin kuwa amni ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska loogu baahan yahay in ay ka taxadarto qoraalada ka soo baxaya Safaaradooda.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay muhiim tahay in la ixtiraamo Somaliland isla markaana nabada ka jirta aan la dafirin sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Dowladdaha Caalamka iyo Maamulka Somaliland.

Waxa uu Dowladda Ingiriiska ugu baaqay in ay ka fiirsadaan go’aanada iyo digniinada ay soo saarayaan.