Diyaarado warqado digniin ah ku daadiyay Jamaame iyo Jilib

Wararka inaga soo gaaraya Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubadda Dhexe, ayaa sheegaya in diyaarado aanan la aqoon dalka laga leeyahay xalay halkaasi ay ku daadiyeen Warqado fariimo loogu diraayay Shabaab.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay xalay fiidkii diyaaradahan mar kaliya in lagu arkay hawada Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame oo ah Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Shabaab, aadna ay ugu xoog badan yihiin.

Warqadaha ayaa waxaa ku qornaa Shabaab muddo laba bilood gudahooda inay isku soo dhiibaan, haddii kale ay la kulmi doonaan dagaal adag oo dhibaato ku gaarta.

Ilo wareedyada ayaa xaqiijiyay in qal qal xoogan uu soo food saaray dadka ku nool Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame iyo sidoo kale dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan ee warqadahaasi akhristay.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay soo afjarto dagaalka ka dhanka ah Shabaab, inkastoo Shabaab ay yihiin cudud muuqata oo awood u leh dagaalka inay sii wadaan.