Madaxweyne Barrow oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gambia “SAWIRRO”

Madaxweynaha cusub ee Wadanka Gambia, Adama Barrow, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii gaaray Magaalada Banjul ee Xarunta Gambia.

Diyaarad uu Madaxweynaha Gambia ka soo raacay Magaalada Dakar ee Wadanka Senegal, ayaa si nabdoon kaga dejisay Garoonka Banjul, iyadoona uu socod ku soo maray faras magaalaha Banjul.

Kumanaan ka mid ah taageere-yaashiisa, ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Banjul. Dadkan ayaa qaarkood watay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha la doortay.

Tallaabada uu Madaxweynuhu ku yimid Caasimadda Banjul, ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Madaxweynihii doorashada looga adkaaday, Yahya Jammeh uu aqbalay natiijada doorashada.

Madaxweynaha la doortay ee Gambia, ayaa 20-kii bishan lagu dhaariyay Safaaradda Gambia ku leedahay Magaalada Dakar, sababo ku aadan xilligaa oo kursiga uu isu dhejinaayay Yahya Jammeh.

Wadamada Afrikada Galbeed (ECOWAS), ayaa Mr Jammeh cadaadis xoogani ku saaray in uu isaga taggo Magaalada Banjul, haddii kalana ay tallaabo militari ka qaadi doonaan.

Dadka reer Gambia, ayaa bartamihii toddobaadkan bilaabay in ay dib ugu soo laabtan Banjul, ka dib markii uu dalka isaga tagey Jammeh.

 

1q 2q Gambia 3

Gambia's new president Adama Barrow (R) leaves Banjul airport on January 26, 2017 in Banjul, after returning from Senegal. Jubilant Gambians on Janauary 26 welcomed home their new President Adama Barrow, who was elected almost two months ago but forced to flee to Senegal when his predecessor refused to step aside. Dressed in flowing white robes and cap, Barrow stepped off the plane, with heavily-armed troops from Senegal and Nigeria standing by as he flew in from Dakar where he had taken shelter on January 15. / AFP / CARL DE SOUZA (Photo credit should read CARL DE SOUZA/AFP/Getty Images)

Gambia5 Gambia6 Gambia7 Gambia8 Gambia9