Madaxweynaha oo kulamo la qaatay xubno ka socda Switzerland iyo Koonfur Kuuriya

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada dalalka Koonfur Kuuriya iyo Switzerland, kuwaas oo uu madaxweynuhu ka gudoomay warqadahooda aqoonsiga ee safiirnimo.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn kulan la qaatay safiirka dowladda Koonfur Kuuriya u fadhin doona Soomaaliya Mr YOUNG DAE KWON kulankaas oo looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kaalinta Koonfurta Kuuriya ay ka qaadan karto horumarinta Soomaaliya iyo qodobo kale.

Afhayeenka Madaxweynaha Daauud Aweys ayaa kulanka kadib warbaahinta u sheegay in la isku raacay dhamaanba qodobadii laga wada hadlay, islamarkaana Koonfur Kuuriya ay aqbashay in ay ka qeyb qaadato shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliyaayaa qaabilay safiirka dowladda Switzerland ee Soomaaliya Mr Ralf Heckner, waxaana madaxweynuhu uu ka gudoomay warqadihiisa aqoonsiga ee safiirnimo.

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Cali Kadiye ayaa kulan safiirka iyo Madaxweynaha dhexmaray ku sheegay mid looga hadlay doorka Switzerland ay ka qaadan karto arimaha federaalka, maadaama Switzerland ay ku dhisan tahay nidaamka federaalka.

Dalalka caalamka ayaa sanadihii dambe wakiilo usoo magacaabayey Soomaaliya si ay ula jaan qaadaan horumarada ka jira dalka.