Madaxweynaha dowladda Jabuuti oo Warbaahinta kula hadlay Madaxtooyadda Jabuuti ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii 14tii Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi lagu xasuuqay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan,islamarkaana ay tahay wax laga xumaado in lalaayo dadka rayidka ah.
Dowladda Jabuuti ayuu sheegay in ay sii laba jibaari doonto gurmadka loo fidinaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Zoobe.
Madaxweynaha ayaa shacabka reer Jabuuti ugu baaqay in ay taageero niyad iyo maal ahba isugu daraan shacabka Walaalahood ah ee Soomaaliyeed oo ay dhibaato ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho.
Waxaa uu xusay in laga doonaayo in Shacabka Jabuuti ay si weyn uga qeyb qaataan Gurmadkaasi loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed.
Geelle ayaa dhanka kale ugu baaqay in ay taageeraan Shacabka Soomaaliyeed dowladda si looga guuleysto dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.
Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha si weyn u taageera Soomaaliya, waxaana ay kamid aheyd dowladihii ugu horeysay ee soo gurmad markii uu dhacay Qaraxii Zoobe.
Ku dhawaad 400 oo qof ayaa ku dhimatay Qaraxii Zoobe, waxaana sidoo kale dhawaacmay 228 Qof, waxaana wali la baadigoobaya nolol iyo Geeri 58 qof.


